Somaliland oo shaacisay inay joojinayso Qaadka uga yimaada dalka Itoobiya

Ganacsatada Qaadka ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay inay gebi ahaan joojiyeen Qaadka ay ka keeni jireen dalka Itoobiya, iyagoona soo bandhigay sababta arrintaasi keentay.

Afhayeen u hadlay ganacsatada Qaadka Somaliland oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 26-ka June illaa 6-da bisha soo socota ay joojiyeen Qaadka ay ka keenaan deegaanka Oromada, ka dib markii dowladda Itoobiya kordhisay cashuurtii ay ka qaadi jirtay.

“Oromadii waxay yiraahdeen kiilowga Qaadka ahaa $10 doolar ku keena, waxaana uu LC-gu ahaa $2 doolar, markaa $8 doolar ayaa la kordhiyay, annaguna waan diidnay, laga bilaabo maanta oo 26- ah illaa bisha soo socota 6-deeda waanu joojinay Qaadka, waxaana aanu ka dalbanaynaa Kenya iyo Yemen” Sidaas waxaa yiri afhayeenka u hadlay ganacsatada Qaadka ee Somaliland.

Wuxuu afhayeenku sheegay in Yemen ay haatan Somaliland ka iibsato xoolaha, islamarkaana ay waajib tahay in qofka wax kaa iibsada aad wax ka iibsataa.

“Yemeni wax bay inaga iibsataa oo xoolaha ayay inaga iibsataa, qofka wax kaa iibsada inaad wax ka iibsataa waa waajib, Kenya-na waxaanu u raraynaa kalluunkayga” Ayuu hadalkiisa raaciyay afhayeenka u hadlay ganacsatada Qaadka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadaan ayaa waxay fursad u tahay beeralayda Qaadka ee Kenya oo sanadiihii lasoo dhaafay uu ka xirmay suuqii Soomaaliya, kuwaasoo hadda helay suuq cusub oo ay sanadkiiba ka heli karaan malaayiin doolar.