Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Beyle oo diiday inuu maanta hortago xafiiska xeer illaaliyaha guud

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ee dhawaan xilka ka degaya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa iska diiday inuu maanta oo Isniin ah hortaggo xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka oo dhawaan halkaasi looga yeeray.

Qoraal uusoo saaray wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayuu ku caddeeyay inuu helay warqada uga timid xafiiska Xeer illaalinta Guud ee Qaranka balse ku gacan seyray, isagoona sababta keentay arrinkaasi uu faah-faahin ka bixiyay.

Wuxuu Wasiir Beyle sheegay in wixii dacwad ah uu qabo Xeer Illaalinta Guud ee Qaranka uu soo maro garyaqaanka guud ee dowladda, si buu yiri sharciga loo illaaliyo.

“Sida uu qabo Qodobka 3-aad, Farqaddiisa 2-aad, Xarafka B, ee Xeer Lr.18 ee soo baxay 29 Jennaayo 1978 ee Dhismaha Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda. Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda ayaa mas’uul ka ah “difaacida dowladda iyo xubnaha u shaqeeya, maxkamadaha hortooda” Sidaasi waxaa qoraalkiisa ku yiri wasiir Beyle.