Faah-faahin:- Qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidan ka tirsan dowladda iyo wariyeyaal

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa qarax maanta ka dhacay deegaanka Qabno oo ku taalla inta u dhaxeeysa magaalada B/weyne iyo degmada Matabaan, kaas oo lala eegtay kolonyo uu horkacaayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Qaraxaasi oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa haleelay gaari ka mid ah kolonyadaasi oo ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo koox wariyeyaal ah.

Illaa seddax askari ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyootay, iyadoona labo kale oo wariyeyaal ah ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah aggaasimaha idaacadda Hirshabelle ee gobolka Hiiraan Khaalid Muxumed Cismaan (Ilkacase) iyo C/kariin Shabeellow oo ka mid ah wariyaasha ka tirsan TV-ga Hirshabelle.

Seddaxda qof ee ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa loo qaaday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo la qorsheeynayo in diyaarad loogu sii qaado magaalada Muqdisho.