Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta la kulmay dhalinyarada degmada Dhoobley

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose kula kulmay ururka dhalinyarada degmadaasi.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhalinyaradaasi ka dhageystay tallooyin ay usoo jeedinayeen ee la xiriira wax ka qabashada adeegyada bulshada ee degmadaas.

Dhalinyaradaasi ayaa ka codsaday madaxweyne Axmed Madoobe inuu wax ka qabto adeegyadda caafimaadka, ciyaaraha, farsamada gacanta iyo in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada degmada Dhoobley.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulkiisa uu waqti badan ku bixin doonno sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada shaqo la’aanta ah, islamarkaana ay uga mid noqon lahaayeen xafiisyada maamulkaas.

Ugu dambeyn, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay dhalinyarada degmada Dhoobley inay ku dadaalaan sidii ay bulshadooda ugu shaqeyn lahaayeen, islamarkaana ay ka qeyb qaataan horumarka haatan ka socda deegaankaas.