Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee labada Aqal, isagoo khudbad uu ka jeediyay munaasabaddaasi uga hadlay arrimo la xiriira dowlad-dhiska, amniga, horumarinta hay’adaha dowladda iyo jihada siyaasadeed ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalka ay gaartay horumar muuqda oo dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dib u dhiska hay’adaha qaranka ah, inkastoo uu qiray in weli ay jiraan himilooyin badan oo u baahan in la xaqiijiyo, balse xaqiijiyay in guulaha la gaaray ay yihiin bilow wanaagsan oo saldhig u noqon kara horumar ballaaran oo dalka laga hirgeliyo.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in heerka ay dowladda federaalka ka gaartay dowlad-dhiska uu saameyn ku yeeshay sida ay beesha caalamku u aragto Soomaaliya, isagoo tilmaamay in kalsoonida iyo taageerada caalamiga ah ay sii kordhayaan marka la arko horumarka ay dowladda ka sameyneyso dhismaha hay’adaha iyo sugidda amniga.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay shirkii heerka sare ee dhawaan ka qabsoomay magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaas oo looga hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay maanta gaartay heer ay si toos ah uga qeybqaadato go’aannada khuseeya masiirkeeda, isagoo xusay in waqti hore arrimaha Soomaaliya looga hadli jiray iyadoo aysan goob joog ka ahayn.
Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay rajo ah in mustaqbalka dhow Soomaaliya ay gaari doonto heer aan arrimaheeda gudaha looga hadlin shirarka caalamiga ah, balse ay si buuxda u maareyn doonto go’aannada la xiriira amniga, siyaasadda iyo horumarka dalka.
Si kastaba ha ahaatee, khudbadda madaxweyne Xasan Sheekh uu ka jeediyay baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda federaalka ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah, la dagaallanka Al-shabaab iyo dhameystirka geeddi-socodka dowlad-dhiska, iyadoo baarlamaankana la filayo inuu mudnaanta siiyo sharciyada muhiimka u ah horumarinta nidaamka dowladeed iyo amniga dalka.