Mareykanka iyo beesha caalamka oo war kasoo saaray doorashada Soomaaliya

Qoraal bayaan ah oo ay soo saareen beesha caalamka ayaa waxaa hambalyo loogu diray guddoomiyeyaasha iyo guddoomiye ku-xigeennadda labada aqal ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya, iyagoona dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada madaxweynaha dalka.

“Kadib dib u dhacyo iyo caqabado daba-dheeraaday oo ku yimid soo xulista xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa guul weyn ah doorashada soo idlaatay ee guddoonka baarlamaanka, waxaan u mahad-celinaynaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay dhamaystirka doorashada baarlamaanka, waxaana sidoo kale ku boorinaynaa in doorashada Madaxweynaha hadda lagusoo dhameeyo si deg deg ah, nabdoon, oo lagu kalsoonaan karo, si madaxda Soomaaliya ee lasoo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha mudnaanta u leh qaranka iyadoo la eegayo ay danta dhammaan muwaadiniinteeda” Sidaas waxaa lagu yiri Bayaanka.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale loogu hambalyeeyay hoggaamiyayaasha cusub ee loo doortay baarlamanka federaalka Soomaaliya, waxaana qoraalka sidoo kale lagu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro doorashada dhiman ee madaxweynaha.

“Waxaan u hambalyeyneynaa hoggaamiyayaasha cusub ee loo doortay baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo xilli xasaasi ah la wareegaya mas’uuliyaddooda, waxaana sidoo kale ku boorineynaa in si deg deg ah, nabdoon la iskuna haleyn karo loo soo geba-gebeeyo tallaabada ugu dambeysa hanaanka doorashada Soomaaliya oo ah doorashada madaxweynaha.” Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaarada Mareykanka ay ku leedahay magaalada Muqdisho.