Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka oo maalinta berri kullan kuleh xarunta Villa Hargeysa

Waxaa maalinta berri oo Sabti ah la filayaa in xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan xarrunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kullankaasi ayaa sida wararku nagu soo gaaraya ah mid xil wareejin ah oo ay xilalka ku kala wareegayaan guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, qoraalo loo kala diray xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa ku xusnaa in kullankaasi uu noqon doonno mid u dhici doonno seddaxdaan arrimmood ee hoos ku xusan.

1:- Guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka oo goobta hadal ka jeedein doonno.

2:- Xil wareejinta iyo hadal jeedinta guddoomiyihii golaha shacabka ee baarlamaanka 10-aad.

3:- Hadal jeedinta iyo xil la wareegista guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.