Aadan Madoobe oo maanta xilka kala wareegaya guddoomiyihii hore ee baarlamaanka

Gudoomiyaha cusub ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah xilka kala wareego gudoomiyihii hore ee golahaasi Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Aadan Madoobe ayaa xilka kula wareegi doonno kulan ay maanta xildhibaanada golaha shacabka ku leeyihiin xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Fariimo habeenkii xalay loo diray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ajandaha kullanka maanta diiradda lagu saari doonno.

1- Hadal jeedinta gudoomiyaha KMG ee golaha shacabka,

2- Xil wareejinta gudoomiyihii golaha shacabka ee Baarlamaankii 10aad.

3- Hadal jeedinta gudoomiyaha cusub golaha shacabka ee Baarlamaanka 11aad.

Kullankan ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay ee xildhibaanada golaha shacabku yeeshaan, iyagoo markaasi leh guddoon rasmi ah.

Guddoonka cusub ee golaha shacabka Aadan Maxamed Nuure (Aadan Madoobe) ayaa 27-28 bishaan lagu doortay xarunta Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.