Diiwaan gelinta tartanka doorashada xilka madaxweynaha oo weli ka socota Muqdisho

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa maalintii labaad diiwaan-gelinaya musharaxiin dooneysa inay u tartamaan xilka Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii shalay guddiga uu bilaabay diiwaan-gelinta musharaxiinta.

Guddiga isku dhafka ee doorashada xilka madaxweynaha ayaa shalay diiwaan-geliyay toban musharax oo u tartameysa xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo la siiyay shahaadada musharaxnimo.

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka iyo siyaasiyiin kale oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha dowladda federaalka ayaa is diiwaan-geliyay, isla markaana soo buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay musharaxa.

Sidoo kale, Guddiga ayaa maanta oo Isniin ah sii waddi doonna diiwaan-gelinta musharaxiinta madaxweynaha, waxaana ay ku egtahay maalinta berri oo Talaado ah, iyadoona la filayo inay shahaadada musharaxnimo qaataan musharaxiin kale oo badan.

Madaxweynaha muddo xilleedkiisa dhammaaday ee Maxamed C/laahi Farmaajo oo xalay shaaca ka qaaday inuu markale yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa isna lagu wadaa inuu is diiwaan-geliyo, si loo siiyo shahaadada.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qorsheeyay inay 15-ka bishaan May 2022 ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana haatan magaalada ka socda ololihii ugu dambeeyay ee doorashada dalka.