Madaxweyne Farmaajo oo qaatay shahaadada musharaxnimo ee tartanka xilka madaxweynaha cusub

Guddiga qaban-qaabada doorashada xilka madaxweynaha 10-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad ka wada xarunta Aqalka Sare ee magaalada Muqdisho diiwaan gelinta musharixiinta, taasi oo maalintii shalay soo bilaabatay.

Guddiga doorashada ayaa illaa iyo haatan diiwaan-geliyay in ka badan 30 musharax oo dooneysa inay u tartamaan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, waxayna guddiga ay musharaxiinta siiyeen shahaadada musharaxnimo.

Madaxweyne Farmaajo oo habeenkii xalay ku dhawaaqay inuu markale yahay musharax Madaxweyne ayaa goordhow qaatay shahaadada musharaxnimo ee xilka madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayaa diiwaan-geliyay Maxamed Farmaajo, iyagoona siiyay shahaadada, kadib markii uu soo buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta isa soo sharaxday, isagoona bixiyey lacagta diiwaan-gelinta oo dhan 40,000 kun oo dollar.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada xilka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qorsheeyay inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, 15-ka bishaan May oo ku beegan maalinta Axadda ee todobaadka soo socda.