Somaliland oo xukun dil ah ku riday askari hore dil ka geystay magaalada Hargeisa

Maxkamadda ciidamada milateriga Somaliland ayaa maanta xukun dil ah ku riday Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac, kaas oo 3-dii bishaan xilli habeen ah magaalada Hargeysa ku dilay Najma Cabdillaahi Maykal oo ka tirsaneyd shaqaalaha wasaaradda beeraha Somaliland.

Askariga dilka geystay ayaa rasaas ku furay gaari ay wadatay Najma Cabdillaahi Maykal  oo la sheegay in xilligaas ay u diyaar garoobeysay guurkeeda, isla markaana suuqa kasoo doonatay agab kamid ah kan arooska.

Goobta maxkamadeynta askariga dilka geystay ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan ciidamada milateriga Somaliland, ehelada marxuumada, askariga xukunka lagu riday iyo dad kale.

Ehellada Marxuumad Najma Cabdillaahi Maykal ayaa dhawaan xukuumadda Somaliland ka codsaday inay cadaalad u helaan dilka gabadhooda, taas oo uu dambeyn loo fulliyay.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa waxaa aad ugu yar dilalka ay askarta u geystaan dadka shacabka ah, waxaana inta badan la toogtaa askarta sida ku talo-galka ah u dila dadka shacabka ah.