Farxaan Qaroole oo qarax lagula eegtay duuleedka magaalada Muqdisho

Taliska ciidanka booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax habeenkii xalay uu ka badbaaday taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Qaroole, kaasi oo lagula eegtay duuleedka magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka booliska C/fitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa miino laamiga dhinaceeda lagu aasay ay qaraxday, xilli Taliye Farxaan uu socdaal ku marayey wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Wuxuu afhayeenku sheegay in qaraxaasi uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad isugu jiray askar iyo shacab ah, wuxuuna xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhintay hal qof oo shacab ah, halka 8 qof kalena oo saddex kamid ah yihiin ciidanka booliska ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay isbitaalo.

Sidoo kale, wuxuu afhayeenku intaas ku daray in taliye Farxaan Qaroole uu nabad qabo, islamarkaana uu ka badbaaday qaraxaas, isagoo xusay in taliyaha xiligii la qarxinaayay uu ka yimid kormeer shaqo oo u aaday baro koontaroolo oo ciidanka booliska ay ku leeyihiin wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Si kastaba ha ahaatee, taliye Farxaan Qaroole ayaa xilligii la qarxinaayay ka yimid deegaanka Calamada oo gelinkii dambe ee shalay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad, wuxuuna halkaas Taliyaha u tegay xalinta kiiskaasi dilka ah ee dhacay.