Hadal-jeedinta musharaxiinta madaxweynaha oo maanta ka bilaabaneysa xerada Afisyooni

Waxaa maanta oo Arbaco ah lagu wadan in xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka bilaabato hadal-jeedinta musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii maalintii shalay lasoo gaba-gabeeyay Is diiwaan-gelinta musharaxiinta.

Guddiga doorashada ayaa shaaca ka qaaday in 20 Musharax oo isku soo taagay xilka madaxweynaha dalka ay khudbado u jeedin doonaan xildhibaanada labada Aqal, kuwaasi oo ka hadli doona waxa ay qaban doonaan marka xilka loo doorto.

Musharaxiinta khudbadaha maanta kahor jeedinaya xildhibaanada ayaa waxaa ku jiro ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo musharaxiin kale.

Guddiga doorashada ayaa musharax kasta u qorsheeyay in khudbadiisa ay socoto 15 daqiiqo, isla markaana uga hadlo waxa uu qaban doonno marka loo doorto xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa saacadaha soo socda tegaya xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, si u dhageystaan khudbadaha ay u jeedin doonaan musharaxiinta, waxaaan doorashada madaxweynaha ay dhaceysaa 15-ka May 2022.

Wixii kusoo kordha la soco Insha Allah