Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan ka fulliyay deegaan ka tirsan gobolka Gedo

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kawa DANAB ayaa howlgal qorsheeysan ka fulliyay deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaas oo qiyaastii 30-KM u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Saraakiisha DANAB oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday lagu dilay 11 xubnood oo katirsan ururka Al-shabaab, halka ay nolosha ku qabteen labo kale.

Waxay sidoo kale saraakiisha DANAB sheegeen in howlgalka ay kusoo furteen lix qori oo noociisu yahay AK47 ah, hal qori BKM ah sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka Somaliyeed ee DANAB Taliye Carab Dheeg Axmed.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr jeer oo hore ayaa deegaano hoostaga magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Jubbaland iyo dagaalyahanadda Al-shabaab, waxaana inta badan dagaaladaasi ka dhasha qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.