Askar ka tirsan ciidanka booliska Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac soo gaaray

Hal askari oo katirsan ciidamada booliska Somaliland ee gobolka Sarar ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday, halka 7 kalena ay ku dhaawacantay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Somaliland.

Shilka ayaa sida la sheegay yimid kadib markii gaari Cabdi Bille ah oo ay saarnaayeen ciidankaasi uu rogmaday, waxaana 7-da askari la sheegayaa inuu dhaawacoodu culus yahay islamarkaana la geeyay isbitaalka magaalada Ceynaba.

Ciidamo iyo saraakiil katirsan ciidamada illaalada waddooyinka Somaliland ayaa tagay halka uu shilka ka dhacay, iyagoo goobta ka qaaday meydka askariga geeriyooday iyo dhaawaca 7-da kale.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan askarta katirsan ciidamada Somaliland ayaa waxyeelo ceynkaan oo kale ah kasoo gaartaa shilalka gaari ee ka dhaca deegaada uu ka arrimiyo maamulkaas, waxaana dadka inta badan sheegaan inay sabab u tahay darawalada oo gawaarida si xowli ah ku wada.