Faah-faahin:- Qarax aad u xoogan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qasaaraha ka dhashay

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa qarax aad u xoogan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeeysa Hotel Afrik iyo Bar kontarool oo ay ciidanka NISA ku leeyihiin halka laga illaaliyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Qaraxa oo ahaa mid aad looga wada maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sida la sheegay fulliyay nin isku soo xiray Jaakad ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu isku dhax qarxiyay gaadiid taagnaa barta kontarool ee laga illaaliyo wadada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, aadna ugu dhow Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa islamarkiiba isku gadaamay aaga uu qaraxu ka dhacay, iyagoona markaasi xiray wadada aadda garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana weli hakad ku jira isku socodka iyo gaadiidka ee wadadaas.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya C/fitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid lala beegsaday gaari uu saarnaa Jeneraal Garabey oo ka tirsan ciidanka dowladda, kaasi oo xiligii la qarxinayay taagnaa barta kontarool.

Wuxuu afhayeenku sheegay in Jeneraal Garabey uu ka badbaaday qaraxaasi lala beegsaday, maadaama uu saarnaa gaari aan xabada karin, hase yeeshee muuqaalo laga soo qaaday gaariga ayaa muujinaya in gaariga uu burbur soo gaaray.

Illaa 7 qof oo ayaa la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen, waxaana dadkaasi dhaawacooda loo qaaday xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dhageysanayeen khudbadaha musharrixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.