Madaxweyne Biixi oo magaalada Hargeysa kula kulmay taliyaha ciidamada AFRICOM

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Hargeysa kullan kula qaatay taliyaha taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) Jeneral Stephen Townsend, si wada-tashi looga sameeyo horumarinta danaha labada dhinac ee ammaanka Bariga Afrika.

Jeneral Townsend, oo ah sarkaalkii ugu sarreeyey Ciidamada Mareykanka ee soo booqda Somaliland ilaa iyo 1991-kii, waxaa booqashadiisa ku wehelinayey safiirka Mareykanka, Larry André, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Mareykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa uga mahadceliyey wafdiga safarka ay ku yimaadeen magaalada Hargeysa, waxaanu u sheegay inay soo dhawaynayaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo militeriga ee Somaliland iyo Mareykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in booqashada Jeneral Stephen Townsend ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca adkaynta iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka

“Ciidanka Illaalada xeebaha Somaliland waxa ay qayb lixaad leh ka qaataan illaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, taas oo ay faa’ido weyn ku qabaan dhammaan dalalka oo dhan. Iskaaashi iyo wada-shaqayn intan ka xoogan, kana weyn oo dhex-marta Somaliland iyo Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu kor u qaadi karaa nabad-gelyada iyo ammaanka biyaha Badda, waxaanu caawinayaa ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Bariga Afrika” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, Jeneraal Stephen Townsend iyo safiirka Maraykanka Larry André ayaa soo dhaweeyay hadalka madaxweyne Biixi, waxayna sheegeen inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada amniga iyo militeriga ee labada dhinac.

Ugu dambeyntii, wafdigaasi ka socday taliska AFRICOM ayaa booqasho ku tagay dekedda iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Berbera, kuwaas oo labadoodaba dhawaan dhisme ahaan la ballaariiyey, lana casriyeeyey si kor loogu qaado tayada adeegga dhaqaalaha, arrimaha bini-aadannimada iyo baahiyaha amni ee Somaliland.