Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo sanadkii 2017-kii, si aan sharciga waafaqsaneyn loogu gacan galiyay dowladda Itoobiya.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa C/kariin Qalbi Dhagax ka xaal-mariyay gabood-falkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF ee lagu tilmaamay urur argagixiso.
Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa bishii Janaayo ee sanadkan 2022-da, baabi’isay go’aan ay horay u gaareen golaha wasiirradu, kaas oo ay Qalbi Dhagax iyo ururkiisa ONLF ku tilmaameen argagixiso.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa C/kariin Qalbi Dhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda Soomaaliya, islamarkaana guddoonsiiyayna billad, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay ee uu C/kariin Qalbi Dhagax yimaado magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya tan iyo markii dowladda federaalka Soomaaliya ay u gacan galisay dowladda Itoobiya.