Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda magaalada Dhuusamareeb

Waxaa rasaas goos goos ah weli laga maqlayaa qeybo kamid ah magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna Waljamaaca.

Subixii hore ee saakay, waxaa qeybo kamid ah magaalada Dhuusamareeb lagu arkay ciidamo ka tirsan xoogaga Ahlusunna Waljameeca, iyadoo dagaalka si weyn looga dareemay guud ahaan magaaladaas.

Sarkaal u hadlay xoogaga Ahlusunna Waljameeca ayaa sheegay inay la wareegeen inta badan magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana ay dhameystiri doonaan inta ka dhiman, si ay ula wareegaan guud ahaan magaalada.

Dhinaca kale, guddoomiye ku-xigeenka magaalada Dhuusamareeb Cabdi Xaashi ayaa sheegay in qeyb ka mid ah magaaladaasi ay ka saareen kooxdii kusoo duushay, waxaana xilliga uu hadlayay korkiisa laga maqlayay rasaas aad u xoogan.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxda sare ee maamulka Galmudug ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, kuwaas oo u jooga arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya.