Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii Imaaraadka Carabta

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyska, shacabka iyo guud ahaan dowladda Imaaraadka Carabta geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii dalkaasi, Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan.

“Maxamed Binu Raashid Aala Maktuum, Madaxweyne Ku-xigeenka Imaraadka Carabta, Mudane Maxamed Binu Saayid Aala Nahyaan, Dhaxal Sugaha Imaraadda Abu Dhabi, waxaan idinka, qoyska Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Imaraadka Carabka, la wadaagayaa murugada geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan, Madaxweynihii Dowladda Imaaraadka Carabka.” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu u danbi dhaafo, kuna abaal mariyo jannooyinkiisa, isagoo dowladda iyo guud ahaan shacabka Imaraadka Carabta u rajeeyay samir iyo iimaan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta shaaca ka qaadday inuu geeriyooday madaxweynihii dalkaasi Sheikh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan, oo in muddo ah xanuunsanayay.