Ciidanka Somaliland oo gacanta ku dhigay Ajaanib dhoofinaysay xayawaanka Haramcadka

Howlgal ay sameeyeen ciidanka illaalada xeebaha iyo difaaca badaha Somaliland ayaa gacanta ku dhigay 7 xabo oo ah xayawaanka Haramcadka, kuwaas oo laga dhoofinayey xeebta Karin oo qiyaastii 54-mile dhinaca barri kaga beegan magaalo xeebeeda Berbera.

Ciidamadaasi ayaa intii ay howlgalkaasi ku jireen, waxay sidoo kale soo qabteen seddax nin oo labo kamid ah u dhashay dalka Yemen, halka midka kale uu kasoo jeedo degaannada Somaliland, isagoo watay baaburka lagu dhoofinayey Harimacadka iyo waliba doontii iyo baabuurkii siday.

Taliyaha saldhiga koowaad ee gobolka Saaxil iyo saraakiil uu wato ayaa maanta gaaray deegaanka karin ka dib markii ay gacan ku dhigeen ciidankii habeenimadii xalay dabasocday Haramcadka la dhoofinayo ee sharci darrada oo ku sugnaa biyaha deegaanka Karin iyo dhinaca barigaba.

Si kastaba ha ahaatee, taliyaha guud ee ciidanka illaalada xeebaha Somaliland Janeraal Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa sheegay inay sharci lala tiigsan doonno dadka lagu soo qabtay ugaartaan la doonayey in la dhoofiyo, isagoo dhanka kale u ballan qaaday inuu dalacsiin doonno ciidanka fulliyay hawl-galkaas.