Dilal ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal

Illaa 3 qof ayaa saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo ay gacanta kuhayaan ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Dilalka oo la sheegay inay la xiriiraan aanooyin qabiil ayaa marka hore waxaa habeenkii xalay magaalada Boorama lagu dilay hal qof, iyadoo isla xalay laba qof oo kale lagu dilay, waxayna taasi keentay xiisad ka taagan magaaladaas.

Wararka ugu dambeeyay oo aan helnay ayaa sheegaya in ciidamada booliska magaalada Boorama ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah dadkii dilay labada qof ee dambe, kuwaas oo la geeyay saldhiga booliska ee magaalada, si loo horgeeyo maxkamad.

Si kastaba ha ahaatee, dadka kunool magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa dareemaya xiisadda ka dhalatay dilalka la xiriira aanooyinka qabiil, waxaana la sheegay in ciidamada ammaanka magaaladaasi ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay ku qaboojiyaan xiisadda halkaasi ka taagan.