SAWIRO:- Goobta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha cusub ee dalka

Guddiga isku dhafka ee qaban-qaabada dooraahada Madaxwaynaha 10-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diyaariyay Hoolka Teendhada Afisyooni oo ay 15-ka bishaan ka dhaceyso doorashada madaxweynaha cusub ee dalka.

Howlka Afisyooni ayaa la dhigay agabka doorashada madaxweynaha, waxaana la diyaariyay dhammaan kuraasta loogu tala-galay inay ku fariistaan xildhibaanada baarlamaanka iyo musharaxiinta, sidoo kalena waxaa la habeeyay goobaha ay xildhibaanada warqadaha codka kula qorayaan.

15-ka bishaan oo ay hal maalin kaliya ka harsan tahay ayaa waxaa caasimadda magaalada Muqdisho laga dareemayaa ololaha doorasho oo ay wadaan musharaxiinta ku tartamaysa doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Musharixiintaas oo gaaraya Illaa 39 musharax, ayaa kulamo siyaasadeed kala duman la yeelanaya xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, ammaanka xarunta Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la wareegay ciidanka midowga Afrika ee ATMIS, kuwaasi oo sugida amiga ay la kaashanayaan ciidanka booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya.