Maxkamadda caddaaladda bulshada bariga Afrika (EACJ) ayaa dowladda federaalka Soomaaliya u qabatay muddo 45 maalmood ah inay kaga soo jawaabto dacwad ay gudbiyeen lix garsoore oo ka tirsan maxkamadda sare ee Soomaaliya, kuwaas oo dowladda ku eedeeyay inay faragelin ku sameeysay madax-bannaanida garsoorka iyo awoodaha dastuuriga ah ee hay’addaas.
Dacwadda ayaa waxaa gudbiyay lix garsoore oo uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, kuwaas oo doonaya in maxkamadda goboleed ay qiimeyso sharciyadda tallaabooyinka dowladda ee la xiriira hoggaanka iyo shaqada garsoorka Soomaaliya.
Dacwaddaan ayaa salka ku haysa go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka kaga qaaday Baashe Yuusuf Axmed, kaas oo ay garsoorayaashu ka horyimaadeen, iyagoo ku doodaya in aan la raacin habraacyada dastuuriga ah ee lagu beddeli karo guddoomiyaha maxkamadda sare.
Sidoo kale, garsoorayaashaas ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka dalka, isla markaana uu cadaadis iyo hanjabaad u geystay garsoorayaashii ka horyimid go’aankaas.
Dacwadda ayaa sidoo kale salka ku haysa muranka muddo-xileedka hay’adaha ugu sarreeya dowladda, iyadoo garsoorayaashu ay ku doodayaan in muddo-xileedka madaxweynaha iyo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka uu dhammaaday.
Dowladda federaalka ayaa haatan haysata muddo 45 maalmood oo ay ku diyaarsato jawaabteeda rasmiga ah iyo difaaceeda ku aaddan eedeymaha loo gudbiyay maxkamadda, iyadoona marka ay soo gudbiso jawaabta, ay xigi doonaan marxaladaha kale ee dacwadda, iyadoo maxkamaddu qiimeyn doonto doodaha sharci ee labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee, go’aanka kasoo baxa dacwaddan ayaa saameyn ku yeelan kara doodaha la xiriira madax-bannaanida garsoorka, kala-soocidda awoodaha hay’adaha dowladda iyo ku dhaqanka dastuurka dalka, gaar ahaan ilaalinta sarreynta sharciga iyo xuduudaha awoodaha hay’adaha dowladda.