Muwaadin Soomaaliyeed oo maanta la dilay xilli uu gaari ku wareejinayay Rooti

Kooxo hubeysan ayaa maanta xaafadda West Bank oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Sheekh Maxamed.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sida la sheegay la dilay xilli uu gaari ku wareejinayay Rooti, iyadoona kooxaha dilka u geystay aysan wax dhac ah u geysan, balse ay toogteen kaliya, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Koonfur Afrika ayaa markii dambe soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxayna howlgalo ka sameeyeen goobtaasi, waloow aysan ku guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii dilka geystay.

Marxuumka la dilay ayaa kamid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ganacsi ahaan ugu tagay dalka Koonfur Afrika, waxaana muddooyinkii ugu dambeysay dalkaasi kusoo badanayay dilalka loo geysanayo soomaalida goobaha ganacsi ku leh dalkaas.