Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la kulmay dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kullan xasaasi ah la qaatay madaxweynaha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Zayed.

Kullankaasi labada madaxweyne ayaa ahaa mid ay uga hadleen xoojinta xiriirka labada dal, fududeynta isu socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dhinac.

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Zayed ayaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen, isagoona soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalkeena iyo sidoo kale dib u soo celinta taageeradooda ku aadan ammaanka iyo adeegyada bulshada oo ay dowladda Imaaraadka Carabta dalkeena ka fullin jirtay.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta, garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kale ee caalamka.