Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo caawa booqday Farmaajo iyo Sheekh Shariif

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa caawa booqasho kala duwan ugu tagay madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inay booqashadiisa ku saabsanayd mid uu tallooyin kaga soo dhageysanayay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Farmaajo iyo Sheekh Shariif, kaas oo la xiriira howlaha hortabinta u leh dalkeena iyo dadkeena Soomaaliyeed.

“Waxaan caawa booqasho iyo salaan ugu tagay madaxweyneyaashii hore ee dalkeena mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana kasoo dhagaystay tallooyin aad muhiim ugu ah howlaha hortabinta u leh dalkeena iyo dadkeena Soomaaliyeed” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre.

Ugu dambeyntii, Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si dhaw ula shaqeeyaan xukuumadda uu soo dhisi doonno ra’iisul wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre, iyagoona Alle uga baryey inuu u fududeeyo mas’uuliyadda Qaran ee lagu aaminay.