Xubo ka mid ah wafdigii la socday madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu karantiilay Abu Dhabi

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubo ka mid ah wafdigii la socday madaxweyne Xasan Sheekh lagu karantiilay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii laga helay feyraska cudurka COVID-19.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la sheegayo inuu ka caafimaad qabo feyraska cudurka COVID-19 ayaa la xaqiijiyay inuu hakad ku yimid kullamadii uu magaalada Abu Dhabi kula yeellan lahaa madaxda dalkaasi Imaaraadka Carabta, sababo la xiriira xubnihii isaga la socday oo laga helay feyraskaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Zayed, si ay labada dhinac uga hadlaan xoojinta xiriirka labada dal, fududeynta isu socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, madaxtooyadda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrintaan, waxaana markii ugu dambeysay ay kasoo hadasho safarka madaxweynaha Soomaaliya uu ahaa markii uu gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.