Kullan uu baarlamaanka codka kalsoonida ugu qaadi lahaa ra’iisul wasaaraha magacaaban oo dib u dhacay

Waxaa maanta dib u dhac ku yimid kullan ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida ah ugu qaadi lahaayeen ra’iisul wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo haatan safar ugu maqan dalka dibadiisa ayaa la sheegayaa in sababta ugu weyn ay tahay inuu dib u dhaco kullankaasi.

Lama oga inta maalmood uu safarka madaxweyne Xasan Sheekh qaadan doonno, waloow markii hore uu qorshaha ahaa in muddo labo maalmood kadib uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayaa la filayaa in madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho, kadibne madaxweynaha uu baarlamaanka Soomaaliya horgeeyo ra’iisul wasaaraha uu dhawaan soo magacaabay, si ay codka kalsoonida ah u siiyaan.