Sheekh Aadan Madoobe oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Sheekh Aadan Madoobe oo maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa halkaasi kulamo kala duwan kula soo qaatay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaalida iyo Jaaliyadda soomaalida ee dalkaasi ku nool.

Guddoomiyaha oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa u mahad-celiyay dhammaan intii kusoo dhaweysay dalkaasi Kenya, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.