Faah-faahin:- Askari ka tirsan ciidanka booliska oo lagu dilay degmada Afgooye

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa koox hubeysan oo habeenkii xalay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ku dishay askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Maxamed Siidow Garre.

Allaha u naxariistee Maxamed Siidow Barre ayaa lagu dilay agagaarka wadada macmacaanka ee degmada Afgooye, waxayna rasaasta ka haleeshay qeybta sare ee jirkiisa.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegayaa inay baxsadeen, waxaana halkaasi markii dambe soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Afgooye oo howlgalo baaritaano ah halkaasi ka sameeyay.

Dhawaan ayay ahayd markii xaafadda Xaawo-taako ee degmada Afgooye lagu dilay kormeerihii wasaaradda waxbarashada gobolka Sh/hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Cali Shanlow Cali.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan degmada Afgooye waxaa ka dhaca weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka fulliyaan kooxaha Al-shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose.