Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta shir guddoomiyay kullankii ugu dambeeyay ee golaha wasiirada

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee xilka kasii degaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir guddoomiyay kullankii ugu dambeeyay ee golaha wasiirada, kaas oo dib loogu eegay howlihii shaqo ee u qabsoomay xukuumadiisa mudaddii ay dalka hoggaaminaysay.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa marka hore xubnaha golaha wasiirrada ugu mahad-celiyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoona kula dar-daarmay in qof walba intii karaankiisa ah uu dalka ugu adeego islamarkaana ula shaqeeyo dowladda cusub iyo ra’iisul wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre.

Maalinta berrito ayaa la filayaa in ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre la horgeeyo baarlamaanka federaalka Soomaaliya, si ay u ansixiyaan, kadibne uu xukuumad cusub usoo dhiso.