Faah-faahin:- Guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool oo xalay lagu dilay Laascaanood

Koox hubeysan ayaa habeenkii xalay magaalada Laascaanood ee qeybta Somaliland ku dishay guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool Maxamed Axmed Faarax (Aflahar).

Allaha u naxariistee guddoomiye Maxamed Axmed Faarax (Aflahar) ayaa sidoo kale hore uga mid noqday golaha deegaanka ee magaalada Laascaanood, waxaana la dilay xilli uu sii galaayay gurigiisa.

Kooxda dilka geystay ayaa la sheegayaa inay baxsadeen, waxaana markii dambe goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee magaalada Laascaanood oo howlgalo baaritaano ah halkaasi ka sameeyay.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Injineer Feysal Cali Waraabe iyo xubnaha guddida fullinta ee xisbigaas ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Axmed Faarax (Aflahar) oo ahaa guddoomiyihii xisbigaasi ee gobolka Sool.

Si kastaba ha ahaatee, dilka guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool Maxamed Axmed Faarax (Aflahar) ayaa kusoo beegmaya xilli ay xiisad culus ka dhex taagan tahay xisbiyadda mucaaradka Somaliland iyo xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.