C/raxmaan Beyle “Anigu ma oran qasnadaheena ayaa buuxo”

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa si kulul u beeniyay warar maalmihii ugu dambeysay lagu faafiyay baraha ay bulshada ku xiriirto, kaas oo ahaa in dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ay qasnadda dowladda lacago farabadan uga tagtay.

Wasiir Beyle oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lacagaha ay wasaaradda maaliyadda hayso aysan ku filneyn shaqaalaha dowladda iyo ciidamada dowladda, balse si loo bixiyo lacagahaasi, loo baahan yahay dadaal badan.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in bil kasta 25-keeda ay waajib tahay in la bixiyo mushaaraadka ay xaqqa u leeyihiin shaqaalaha dowladda iyo kuwa ciidanka, balse ka digay inaan marnaba la siyaasadeyn arrinta maaliyadda dalka.

“Waxaa doonayaa inaa jawaab kooban ka bixiyo hadal ku saabsan maaliyadda dalka, oo maalmahaan wareegaya baraha bulshada, anigu ma oran qasnadaheena ayaa buuxdo, aniga waxaa la i weeydiiyay bishaan 25-keeda ee June, ma bixin kartaan mushaarka, haa baan iri, balse wixii ka dambeeya hadii aan la dadaalin la waayi karo, waxaan ka digayaa inaan marnaba la siyaasadeyn arrinta maaliyadda dalka” Sidaasi waxaa yiri wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.