Wafdi uu hoggaaminayo C/raxmaan C/shakuur oo goordhaw gaaray degmada Doolow

Wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha dalka Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa goordhaw gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo wafdigiisa ayaa u kuur geli doonna xaaladda abaaraha iyo nolosha dadka barakacayaasha ah ee degmada Doolow, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeysay halkaasi kusoo barakacayay.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in wafdiga Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ay sidoo kale kullamo kala duwan la yeeshaan mas’uuliyiinta maamulka degmada Doolow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha dalka ayaa tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay waxa uu bilaabay safaro kala duwan oo uu ugu kuur-galayo xaaladda dadka ku sugan gobolada dalka oo ay abaaruhu saameeyeen.