Madaxweyne Xasan Sheekh oo kullan muhiim ah maanta la yeelan doonno dhiggiisa dalka Imaaraadka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta halkaasi kullan muhiim ah kula yeesho dhiggiisa dalkaasi Sheekh Maxamed Binu Zayed.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii shalay gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalkaasi Imaaraadka Carabta ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin uu horkacaayo wasiirka madaxtooyadda dalkaasi Sheekh Shakhbut Bin Nahyan Bin Mubarak Al Nahyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Zayed kala hadli doonno arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka diblomaasi ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga, iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya madaxa hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Salaad iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna safarkiisa qaadan doonnaa muddo labo maalmood ah.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka Soomaaliya iyo dalka Imaaraadka Carabta ayaa aad xumaa xilligii uu dalka hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay Imaaraadka Carabta inay faraha kula jirto siyaasadda Soomaaliya.