Wafdi uu hoggaaminayo C/raxmaan C/shakuur oo ku wajahan degmada Doolow

Wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha dalka Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay gaaraan degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur iyo wafdigiisa ayaa booqasho iyo kormeer ku taggi doonno xerooyinka ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ee degmada Doolow, halkaas oo ay ku sugan yihiin qoysas danyar oo aad u badan, islamarkaana u baahan gar-gaar deg deg ah.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale kullamo kala duwan la yeelan doonno mas’uuliyiinta maamulka degmada Doolow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada halkaasi ku dhaqan.

Dhawaan ayay ahayd markii wafdi uu hoggaaminayo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ay kormeer iyo booqasho ku tageen xerooyinka barakacayaasha ah ee ku yaalla degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ku sugan yihiin qoysas danyar oo ay abaaruhu si weyn u saameeyeen..