Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada ee degmada Baraawe oo la weeraray

Ciidan ka tirsan hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa habeenkii xalay weerar argagax leh ku qaaday guri ay degmada Baraawe ka degan tahay guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada ee degmadaasi Sahra Abuubakar Cali.

Taliyaha NISA ee degmada Baraawe Cumar Yaallow (Kaladire) oo ciidankaasi horkacayay ayaa la sheegayaa inay si xoog ah ku galeen guriga Sahra Abuubakar Cali abaarihii 8pm habeenimo.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada ee degmada Baraawe Sahra Abuubakar Cali oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay aad uga argagaxeen weerarka ay gurigeeda kusoo qaadeen ciidan uu watay taliyaha NISA ee degmadaasi, islamarkaana aysan garanaynin sababta gurigeeda loo soo weeraray.

“Abaarihii 8pm habeenimo ee xalay, waxaa gurigeyga igu soo weeraray ciidan afka u duuban uu horkacaayay taliyaha NISA ee degmada Baraawe Cumar Yaallow, waxay argagax geliyeen aniga iyo caruurtayda, waxaan u maleeyay inay Al-shabaab yihiin oo noloshayda caawa igu dambeyso, waxaan rabaa in la ii caddeeyo sababta gurigayga loo soo beegsaday” Sidaas waxaa tiri Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada ee degmada Baraawe Sahra Abuubakar Cali.

Maamulka degmada Baraawe iyo saraakiisha NISA ee degmadaasi, weli kama aysan hadlin weerarkaasi xalay lagu qaaday guriga guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada ee degmadaasi Sahra Abuubakar Cali.