SAWIRO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Abu Dhabi

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi kusoo dhaweeyay wasiirka madaxtooyada Sheekh Shakhbut Bin Nahyan Bin Mubarak Al Nahyan iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuuna safarkiisa qaadan doonnaa muddo labo maalmood ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa dalkaasi Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Zayed kala hadli doonno xoojinta xiriirka labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dhinac.

Si kastaba ha aahatee, waa safarkii ugu horeeyay uu madaxweyne Xasan Sheekh dalka kaga dhoofo tan iyo markii uu ku guuleystay doorashadii dalka ka dhacday 15-ka bisha MAY ee sanadkaan.