Ciidanka illaalada xildhibaan C/laahi Kulane oo maanta lagu xiray garoonka Aadan Cadde

Xildhibaan C/laahi Kulane Jiis oo hore uga mid ahaa saraakiisha hay’adda NISA ayaa la sheegayaa in labo kamid ah askartii illaalada u ahayd maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Askartaan oo ka tirsan ciidanka Duufaan ee NISA ayaa doonayay in iyagoo fasax la’aan ah ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyagoona  safar ku ahaa gobolada ay kasoo jeedaan.

Labadaan askari ayaa ka mid ah illaa 5 askari oo ka tirsan ciidanka Duufaan ee NISA oo dhawaan la siiyay xildhibaan C/laahi Kulane si ay u illaaliyaan, illaa inta uu xildhibaanku ka helayo ciidan boolis oo illaaliyo.

Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala galay inay amnigooda illaaliyaan ciidan boolis ah, kaas oo uu xildhibaan kasta xaq u leeyahay, sida lagu ansixiyay xilligii baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in amarka lagu xiray askartaas ay bixiyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxa hay’adda nabad-sugidda Qaranka ee NISA Mahad Salaad kahor inta aysan u dhoofin dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii ugu dambeysay waxaa aad loo adkeeyay amniga guud ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana inta badan baaritaano adag lagu sameeyaa dadka ka dhoofaya garoonkaasi.