Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisa ugu horeeyay maanta ugu dhoofay dalka Imaaraadka

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u amba-baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kadib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi Sheekh Maxamed Binu Zayed.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaadan doonno muddo labo maalmood ah ayaa dhiggiisa dalkaasi Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Zayed kala hadli doonno xoojinta xiriirka labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dhinac.

Waa safarkii ugu horeeyay uu madaxweyne Xasan Sheekh dalka kaga dhoofo tan iyo markii uu ku guuleystay doorashadii dalka ka dhacday 15-ka bisha MAY ee sanadkaan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeysay inay faraha kula jirto arrimaha Soomaaliya, taas oo keentay in xiriirka labada dal uu aad u xumaado.