Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo bilaabay kulamo uu codka kalsoonida ah ku raadinayo

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa haatan magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo gaar gaar ah inuu la yeesho xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaas oo uu codka kalsoonida ah uga raadinayo.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa habeenkii xalay kulamo gaar ah la yeeshay xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Hirshabelle, wuxuuna xildhibaanadaasi ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan.

Xildhibaanada uu la kulmay Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka mid ah wasiirkii hore ee amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) iyo Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) iyo xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, dhawaan ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre uu kulamo gooni-gooni ah la yeeshay guddoonka labada Aqal ee golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaas oo uu codka kalsoonida ah uga raadinayo.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15-ka bishaan Xamse Cabdi Barre u magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu baarlamaanka horgeeyo ra’iisul wasaaraha uu magacaabay, si uu codka kalsoonida ah ugu weydiiyo.