NISA oo soo bandhigtay sarkaal la sheegay inuu kasoo goostay Al-shabaab

Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay hub iyo mid kamid ah saraakiisha Al-shabaab oo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq, kaasi oo ay sheegeen in muddo 8 sano ah uu Al-shabaab u qaabilsanaa weerarada jabhadaha.

Ciise Cumar Deerow oo ah sarkaalka kasoo goostay Al-shabaab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacay gobolada Jubbooyinka iyo Baay, isagoona hoosta ka xariiqay in markii uu fahmay dhibaatada ay Al-shabaab ku hayaan shacabka uu go’aan ku gaaray inuu isaga soo baxsado.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dhalinyarada kale ee weli kasii tirsan ururkaasi Al-shabaab inay isaga soo baxaan islamarkaa ay kusoo biiraan dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, saraakiisha ciidamada NISA ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay soo dhaweeynayaan qof kasta oo kasoo baxa ururka Al-shabaab, islamarkaana isku soo dhiiba dowladda Soomaaliya.