Dhaawaca Jeneraal Maxamed Xaashi oo loo qaaday dalka Turkiga

Waxaa habeenkii xalay dalka Turkiga loo qaaday dhaawaca Jeneraal Maxamed Xaashi oo todobaadkii hore uu dhaawac culus kasoo gaaray qarax lala eegtay gaari uu saarnaa ee marayay agagaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay qaraabo dhaw yihiin dhibanaha, ayaa u mahad celiyay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan Taliyaha ciidankaasi, Jeneral Odowaa Yusuf Raage oo kaallin weyn ka geystay sidii dalka Turkiga loogu qaadi lahaa Jeneraal Maxamed Xaashi Guuleed oo dhaawac culus soo gaaray.

Dhaawaca Jeneraal Maxamed Xaashi waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kasii sagootiyay mas’uulilyiin ay ka mid ahaayeen taliye Odowaa, saraakiil, Waber Maxamed, Wasiir Khalif, Xildhibaan Beene-beene, Wasiir hore Gaagaale iyo Xubno kale.

Afhayeen Macalimoow oo goobtaasi kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tan iyo maalinkii uu Jananku dhaawacmay, taliska CXDS ay muujiyeen garab istaag muuqda, maadaama uu Jeneraal Maxamed Xaashi ka mid ahaa saraakiisha waayo aragga ah ee waqti dheer ka tirsanaa hoggaanka ciidanka.

Ugu dambeyn Jeneraal Maxamed Xaashi Guuleed ayaa la filayaa in la gaarsiiyo Isbitaalka Acibadem oo ka mid ah isbitaalada ugu tayadda sareeya ee ku yaalla dalka Turkiga, halkaas oo ah halkii dhawaan lagu daaweeyay afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qarax ismiidaamin dhaawacay.