Ninkii dilay Atooraha Badda oo gacanta lagu dhigay

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey dil habeenkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay Isbatoore ka tirsanaa ciidanka booliiska oo lagu magacaabi jiray Atooraha Badda, wuxuuna taliska boolisku sheegay inuu dilay wiil ay marxuumka saaxiibo ahaayeen oo lagu magaciisa lagu soo koobay Leef-Leefow.

Wuxuu taliska boolisku sheegay in dilka marxuumka uu yimid, kadib markii labada shaqsi uu soo kala dhex-galay muran ku aadan lacago tiradeeda ay tahay in ka badan lacag gaaraysa lixdan kun dollarka mareykanka ($60,000), taas oo ay soo direen dad muxsiniin ah islamarkaana lagu caawinayay dadka dan-yarta ah.

Sidoo kale, taliska booliska ayaa sheegay in labadaasi ruux murankooda uu dhaliyay gacan ka hadal keentay inay labadooda hub isku qaataan, wuxuuna taliska booliisku meesha ka saaray in dilkaasi ay geysteen Al-shabaab.

Dhinaca kale, C/fitaax Aadan Xasan oo ah afhayeenka ciidanka Soomaaliyeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka booliisku uu soo wacay Leef-Leefow una sheegay in saaxiibkiisa ay dileen Al-shabaab, wuxuuna intaas ku daray in Bistooladii uu dilka ugu geystay saaxiibkiis uu saaray saqafka sare ee guriga, sidaasna uu ku marin-habaabiyey ciidanka.

Ugu dambeyntii, taliye C/fitaax ayaa sheegay in ciidanku ay haatan gacanta ku hayaan Leef-Leefow oo sida la sheegay afkiisa ka qirtay inuu dilay saaxiibkiisa, kadib baaritaan dheer oo ciidanku ay sameeyeen.