Ra’iisul wasaare Rooble oo kullan la qaatay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kullan booqasho iyo hambalyo ugu tagay guddoomiyaha cusub golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo guddoomiyihii KMG ahaa ee golaha C/salaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Ra’iisul wasaare Rooble oo la afuray labada mas’uul ayaa Aadan Madoobe ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ee loo doortay, una rajeeyay guul.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Rooble ayaa u mahad-celiyay guddoomiyihii KMG ahaa ee golaha shacabka C/salaan Dhabancad, isagoona ku amaanay howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay iyo sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada guddoonka golaha shacabka oo sida guusha ah kusoo dhamaatay.