Ra’iisul wasaare Rooble oo amar deg deg ah kasoo saaray afgambigii lagu sameyn rabay

Wareegto uu soo saaray ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayuu ku magacaabay guddi baaris ah oo baaritaan ku sameysa dhacdadii 27-ka December ee sanadkii 2021, kaas oo la isku dayay in lagu afgambiyo xafiisyada ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble oo ka kooban 5-xubnood ayaa waxay ka tirsan yihiin xukuumaddiisa, waxaana guddigaasi guddoomiye looga dhigay wasiirka gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur.

“Iyada oo la fulinayo go’aankii golaha wasiirrada, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka kooban 5 wasiir, kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doonna dhacdadii 27-ka December la isku dayay in la afgambiyo xafiisyada ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda” ayaa lagu yiri wareegtada Rooble.

Guddiga la magacaabay ayaa kala ah sida hoose ku xusan:-

1- C/qaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga — Guddoomiye.

2- C/laahi Maxed Nuur – Wasiirka Amniga Gudaha.

3- C/laahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.

4- Jen Bashiir Maxamed Jaamac – Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- C/xakiim Xasan Ashkir – Wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray xubnaha guddigaan inay muddo todobaad ah kusoo gaba-gabeeyaan baaristooda ku aadan dhacdadii 27-ka December sanadkii 2021.