Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Muqdisho

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa qarax lagu soo xiray gaari oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Baar-Ubax ee degmada Howl-wadaag, kaas oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan degmooyinla gobolka Banaadir.

Gaariga qarxay oo ahaa nooca soomaalida u taqaano Hariyar ayaa sida la sheegay qarxay, xilli uu marayey meel u dhaw Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howl-wadaag, waxaana qaraxa kadib gaariga ka kacay dab aad u xoogan, iyadoona goobta ay ka baxeysay qiiq iyo uuro madow.

1 qof ayaa la xaqiijiyay inuu qaraxaasi ku geeriyooday, halka laba qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay goobaha caafimaad, si xaaladdooda caafimaad loogu dabiibo.

Najiib Cabdi (Najiib Carab) oo ah taliyaha ciidanka booliska saldhigga degmada Howl-wadaag oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gaariga qarxay uu si xoog ah ku soo dhaafay bar-koontarool oo ku tall isgoyska Carwaydka, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda Soomaaliya.

Taliye Najiib Carab ayaa sidoo kale sheegay in gaariga qarxay uu ku geeriyooday kaliya ruuxii waday, wuxuuna tilmaamay in gaarigaasi uu qarxay xili ay ceyrsanayeen ciidanka amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxaan aysa kusoo beegmaya xilli uu dalka ku jiro xaalad kala guur ah islamarkaana la isku diyaarinayo doorashada dalka.