Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta daah-furay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare

Ra’iisul wasaaraha xilkiisa dhamaaday ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay inuu ardayda Soomaaliyeed u daah-furo Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, isagoona u rajeeyay guul ardayda galeysa imtixaanka ay wasaaradda waxbarashada qaadeyso.

Wuxuu ra’iisul wasaare Rooble si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono

Dhinaca kale, wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada guud ee ardayda sanadkaan Imtixaanaadka u fariisanaya ay tahay 35-kun arday, oo ku kala sugan gobolka Banaadir iyo afar dowlad-goboleed ee kala ah Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Illaa 25 kun oo arday ah ayaa imtixaanka sanadaan ku galeyso magaalada Muqdisho oo kalia, waxaana loo diyaariyay 67 xarumood oo ku kala yaala degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii, maamulka Puntland ayaan ka qeyb galin imtixaanka ay qaadeyso dowladda dhexe ee Soomaaliya, maadaama ay iyaga si gaar ah u qaadaan Imtixaanada ardeyda soo dhameysa fasalka ugu dambeeya ee dugsiga sare.