Kormeerihii wasaaradda waxbarashada gobolka Sh/hoose oo maanta la dilay

Kooxo hubeysan ayaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ku dishay kormeerihii wasaaradda waxbarashada gobolka Sh/hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Cali Shanlow Cali.

Allaha u naxariistee Cali Shanlow Cali ayaa lagu toogtay agagaarka gurigiisa ee ku yaalla xaafadda Xaawo Taako oo ka tirsan degmada Afgooye.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in marxuumka uu qorsheeynayay inuu kormeer ku sameeyo Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare oo maanta ka bilawday afar ka mid ah shanta dowlad goboleed ee dalka iyo gobolka Banaadir.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegayaa inay baxsadeen, waxaana halkaasi markii dambe soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Afgooye oo howlgalo baaritaano ah goobtaasi ka sameeyay.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan degmada Afgooye waxaa ka dhaca weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka fulliyaan kooxaha Al-shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose.